2133 Views

Dhagayso:- Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo digniin u diray masuuliyiinta dowlada iyo ilaaladooda

Dhagayso:- Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo digniin u diray masuuliyiinta dowlada iyo ilaaladooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  05, 2017 — Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay dilkii Wasiir Siraaji ayaa sheegay in Saddex Askari ay u xiran yihiin dilkiisa, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ka dambeeyeen.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Shuute Askarta dishay Wasiir Cabaas in ay ilaalo u ahaayeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Golaha Wasiirada ay xil ka qaadis ku sameeyeen, inkastoo uu ka soo horjeestay.

Sdioo kale waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano dhab, oo lagu ogaanayo shaqsiga sida saxda ah ugu dambeeyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud, si aysan u dhicin deg deg, lana hubiyo cadaalada.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Makxamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Masuuliyiinta Dowladda iyo ilaaladooda uga digay in ay handadaan shacabka, dhibaatana ay ugeystaan.

Waxa uu sheegay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in aysan u dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, hadana iyaga dhibaateysan looga tago wadada dhexdeeda, taasina waxa uu sheegay in loo aqoonsanayo mid ku talagal ah.

cod maxakamada http://halkan riix

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post