2487 Views

Faah faahin Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Faah faahin Qaraxa ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  05, 2017 — Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax Miino oo Gaarigiisa loogu xiray Masuul ka tirsan Jaamacadda Horseed, kaasi oo ka dhacay Wadada Taleex ee Magaalada Muqdisho.

Wariye halkaasi ku sugan ayaa inoo sheegay Qaraxa in uu ahaa mid si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay.

Masuulka Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa ayaa waxaa lagu magacaabaa C/kariin Sheekh Maxamed, kaasi oo ka tirsan Madaxda Jaamacadda Horseed, waxaana soo gaaray dhaawac culus.

Warar kale ayaa sheegaya in C/kariin uu sidoo kale la shaqeynayay Hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray Gaarigii uu watay.

Dhaawaca C/kariin ayaa waxaa loo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay baaritaano ka sameeyeen, kadibna sida caadada aheyd ay isaga dhaqaaqeen.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment