3273 Views

Madxweyne Farmaajo oo xeer Madaxweyne ka soo saaray xil ka qaadistii Hanti-dhowr-ka Qaranka

Madxweyne Farmaajo oo xeer Madaxweyne ka soo saaray xil ka qaadistii Hanti-dhowr-ka Qaranka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | may  05, 2017 — Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xeer Madaxweyne ku soo saaray aqbalida xil ka qaadista Golaha Wasiirada ku sameeyeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Xeerka Madaxweynuhu soo saaray waxaa uu sidoo kale si rasmi ah xilka uga qaaday Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, iyadoo tani ay sii xoojineyso muranka la xiriira sharci ahaanshaha xil ka qaadista.

Golaha Wasiirada ayaa shir deg deg ah oo ay xalay yeesheen waxay isku raaceen xil ka qaadista Hanti-dhowrkii, kadib markii Ilaaladiisa ay dileen Wasiirkii Howlaha Guud Cabaas Siraaji.

Hase ahaatee Dr. Nuur ayaa ku gacan seyray xil ka qaadista Golaha Wasiirada, isagoo ku tilmaamay in loo maray sifo aan sharci aheyn.

Waxaa uu ku dooday in isaga ay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka oo ay xasaanada kala noqon karaan, kadib Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo xil ka qaadistiisa.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment