2826 Views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In aysan Faragashan Doonin Qaranimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In aysan Faragashan Doonin Qaranimada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  05, 2017 —Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Hailemariam Desaleng ayaa carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dowladdiisa ay arrimaha siyaasadda dibadda ee Soomaaliya ay si toos ah ugala xiriiri doonto dowaldda federaalka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in waligood aysan gacan dhaafin dowladda Federaalka, waxa uuna intaasi ku daray in markastaa oo ay doonayaan in ay la macaamilaan maamul goboleedyada ay ruqsad ka qaadan jireen dowladda Federaalka.

Waxa uu sheegay in isagu laf ahaantiisa uusan u dul qaadan karin in loo gacan dhaafo maamullada dalkiisa, oo iyaga si toos ah loola macaamilo.

”Iyadoo aan oggolaansho ka helin dowladda federaalka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo waddan kale toona ma ahan inay farageliyaan madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Waxaan filayaa inay arrintani caddahay. Anigu qof ahaan ma aqbali karo in waddanna uu si toos ah u soo fara geliyo arrimaha dalkeyga isagoo aan oggolaansho iga haysan, Soomaaliyana waa sidaas oo kale,” ayuu yiri ra’iisalw asaraaha Itoobiya.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuse sheegay inay Itoobiya u sheegeen in loo baahan yahay ‘in aan horumarintaasi aanay noqon mid wiiqi karta Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka’.

”Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu ku tegey dalka Ethiopia wuxuu dhabbe u falay wada shaqeyn iyo iskaashi nooc hor leh oo wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo Ethiopia kaas oo ku qotoma is qaddarin iyo wada faa’iideysi siman”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Yusuf Garaad.

 

 

XIGASHO BBC SOOMALI 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment