2490 Views

Dawlada Kenya oo Maxaabiis ku wareejisay Jubbaland

Dawlada Kenya oo Maxaabiis ku wareejisay Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  06, 2017 —Dowladda Kenya ayaa maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ku wareejisay dadka Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose Heybe Axmed Cabdullaahi ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani ay ku jireen Konteenaro ku yaalla dalka kenya,halkaasina ay maxaabiis ku ahaayeen.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi Markii hore laga waday Soomaaliya , islamarkaana la doonaayay in laga ganacsado.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay taliye Heybe in xiriir ay la sameeyeen dowladda Kenya in ay u suurta gelisay in lagu soo wareejiyo dadkaani.

Tirada dadka lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ayaa dhan 47 qof.

Dadka lagu wareejiyay maamulka Jubbaland ee Muddada ku dhibaateysnaa dalka kenya waxaa ku jira haween iyo Caruur.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment