3411 Views

Dowlada Maraykanka Oo Kahadashay Dilkii Askarigii Marykanka

Dowlada  Maraykanka Oo Kahadashay Dilkii Askarigii Marykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  06, 2017 —Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Mareykanka oo lagu dilay Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Askarigaasi uu dhintay isagoo gudanaya Waajibaadkiisa Qaran.

Trump ayaa sidoo kale tacsi u diray Ehelada Dhammaan qoyskii uu kasoo jeeday Askariga la dilay.

Waxaa uu wacad ku maray in ay sii waddi doonaan howlgallada dhanka Cirka ah ee ay la beegsanayaan dagaalyahnada Al-Shabaab.

Waa askarigii ugu horeeyay oo Mareykanka looga dilo gudaha dalka Soomaaliya ka dib Burburkii.

Sanadkii 1993-dii ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay 18 Askari oo Mareykanka u dhashay.

Ciidamada Mareykanka ayaa qaada hawlgalada qorsheysan ee lagu weeraro deeganada ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab, iyagoo ciidanka adeegsanaya diyaarado Helicoptero ah

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment