2457 Views

Mareykanka oo xoojinaya Duqeynta Al-Shabaab

Mareykanka oo xoojinaya Duqeynta Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  06, 2017 —Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay xoojinayso duqeynta ay ku heyso goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa u sheegay Tv-ga ABC in ay sare u qaadi doonaan howlgallada dhanka Cirka ah ee ay la beegsanayaan Shabaab.

Sidoo kale Sarkaalkaasi ayaa xusay in Ciidamado ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo si gaar ah u tababaran in ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalkaasi.

” Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay beegsato Saldhigyadda iyo goobaha lagu tuhmaayo Al-Shabaab , anaga oo kaashanayna ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka oo aan Magaciisa la shaacin.

Taliska Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa dhawaan sheegay in Saldhigyadda Al-Shabaab ay ku qaadi doonaan duqeyn dhanka Cirka ah.

Taliska Mareykanka ee Africa waxa uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada la siiyo Soomaaliya iyo saaxiibada gobolka, si loo burburiyo Al-Shabaab, islamarkaana xasillooni iyo amni loogu soo dabaalo gobolka.

Hadalka kasoo baxay Sarkaalkaasi ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli dowladda Mareykanka ay xaqiijisay in Askari Mareykan ah lagu dilay Howlgal ka dhacay Shabeelaha Hoose.

 

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment