2733 Views

Ururka Suxufiyiinta NOSOJ Oo War kasoo Saartay Wariye lagu Xiray Jowhar

Ururka Suxufiyiinta NOSOJ Oo War kasoo Saartay Wariye lagu Xiray Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  06, 2017 —Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa si weyn cambaareeyay Wariye shalay lagu xiray Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

War Qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu sheegay in ururku ay si weyn uga xun yihiin xariga loo geystay Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye  oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalayay Magaalada Jowhar, kana shaqeynaayay Tv-ga Universal.

” Waxaan weydiisanaynaa maamulka Hirshabeelle in ay siidaayaan wariyaha si shuruud la’aan ah , waxaan ka codsanaynaa in ay xushmeeyaan warbaahinta” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha ururka NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Maamulka Hirshabeelle ayaa xiray Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Jowhar.

Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Wariyaha iyo sidoo kale Tv-ga lagu xiray Warar been abuur ah.

Warkaasi ayaa ku saabsanaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan ka qeyb gali doonin Shirka London ee Arimaha Soomaaliya looga hadlaayo.

Mahad Xasan Cusmaan waxa uu sheegay warkaasi in Shacabka uu dhibsaday dhagahooda, isaga oo shacabka ugu bishaareeyay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble uu ka qeyb gali doono Shirka London ka furmaya.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment