2889 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay Hoggaamiye ka tirsan Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay Hoggaamiye ka tirsan Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  07, 2017 —5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyed iyo ciidamada Mareykanka hawlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen, waxa ay ku dileen sida ay sheegtay dowladda Federalka Somaliya Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee Shabellaha hoose Macalin Cismaan Cabdi Badil iyo saddex ciidamada Shabaab ah.

Qoraal ka soo baxay Dowladda Federalka Somaliya, ayaa lagu sheegay dhimashada Sarkaalkaasi inay muujinayso inay hoos u dhacday awooda Ururka Al Shabaab.

“Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka hawlgasha Shabeelaha Hoose, tan oo ah guul weyn oo u soo hooyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas.” Ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay in hawlgalka lagu dilay Sarkaalkaasi oo dhacay habeenkii Jimcaha ay soo galeysay uu yahay mid lagu xoojinaayo dagaalka lagula jiro Al Shabaab

“Hawlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula giro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iiyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn dowladda Federalka Somaliya ayaa ugu baaqday dagaalyahanada Al Shabaab inay  isku soo dhiibaan dowladda Federalka Somaliya inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada xooga dalka Somaliya.

Waxaa xusid mudan hawlgalkii ka dhacay Gobolka Shabellaha hoose, gaar ahaan deegaanka Bariire in ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran looga dilay askari ka tirsan ciidankaasi, iyadoo taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM uu xaqiijiyay arintaasi.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment