2445 Views

Maamulka Puntland oo Maxkamad soo saareysa 4 ruu

Maamulka Puntland oo Maxkamad soo saareysa 4 ruu
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  07, 2017 —Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa kufsi loogu geystay Gabar 13 sano jir ah, falkaasi waxaa geystay 4 nin, sida ay sheegtay Wasaaradda Haweenka ee Maamulka Puntland.

Wasaaradda Haweenka Maamulka Puntland ayaa xaqiijisay in gacanta lagu soo dhigay 4-tii nin ee dhibaatada u geysatay Gabadha Da’da yar.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Maamulka Puntland Marwo Aniso C/qaadir Xaaji Muumin ayaa warbaahinta uga warbixisay qaabka uu u dhacay falkaasi, iyada oo sheegtay inaan la aqbali doonin falalka nuucaan oo kale ah.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in aysan aqbali doonin in falalka nuucaan oo kale ah ay ka dhacaan Degaanada Puntland, waxayna tilmaamtay in arrintan ay saameyn ku yeelatay Haweenka Soomaaliyeed.

Mararka qaar Degaanada Puntland waxaa ka dhaca falalka nuucaan oo kale ah, ee kufsiga oo dad wax magarata ah ay kula dhaqaaqaan Hablo Soomaaliyeed.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment