2592 Views

Madxweynah Maamulka Galmudug Oo Lakulmay Uqaabilsanaha Soomaliya EeQM

Madxweynah Maamulka Galmudug Oo Lakulmay Uqaabilsanaha Soomaliya EeQM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  07, 2017 —Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle “ Xaaf” ayaa Magaalada Muqdisho Maanta kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating.

Mudane Xaaf ayaa kulan dheer la qaatay Wakiilka , waxaana uu kala hadlay sidii loo taageeri lahaa dowlad goboleedka Galmudug.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado madaxweynaha Galmudug.

Qaramada Midoobey ayaa u balan qaaday Madaxweyne Xaaf in ay siin doonto taageero weyn oo ku aadan Horumarinta degaanada Galmudug.

Madaxweynaha cusub Galmudug  ayaa wadda dadaallo kala duwan oo ku aadan sidii uu taageero  uga heli lahaa Beesha Caalamka.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment