2337 Views

Shir Looga Hadlayey Adeegyada Garsoorka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Shir Looga Hadlayey Adeegyada Garsoorka Oo Muqdisho Lagu Qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  07, 2017 —Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay dib u habeynta Garsoorka dalka.

Shirkan oo ah mid bille ah, lana qabto Halmar ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha Garsoorka, iyada oo lagu soo bandhigo qaladaadka arrimaha Garsoorka iyo cabashooyinka shacabka.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Asluubta, iyo dhammaan Hay’addaha Garsoorka ayaa ka qeyb galay shirkan.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa faah faahin ka bixiyay dhaliilaha inta badan loo jeediyo Hay’addaha Garsoorka dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin wixii xilligan ka dambeeya cadaalad daro laga sheego Hay’adaha Garsoorka dalka.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment