3018 Views

Ururka Suxufiyiinta SOMA Oo Ka hadashay Xariga Lagu Xiray Jowhar

Ururka Suxufiyiinta SOMA Oo Ka hadashay Xariga Lagu Xiray Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  07, 2017 —Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee Somali Media Association (SOMA) ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku aadan Tv-ga Universal ee laga mamnuucay Degaanada Hirshabeelle iyo wariye ka tirsan Tv-gaasi oo lagu xiray Magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle ayaa 5-tii bishan Tv-ga Universal waxa uu ka mamnuucay in uu ka howlgalo Degaanada Hirshabeelle, sidoo kale waxa uu xiray Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ah Wariyaha Tv-ga Universal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay sababta ay arrintan u sameeyeen in ay tahay, kadib markii Tv-ga uu baahiyay warar been abuur ah, kaasi oo ah in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan ka qeyb galeyn shirka London oo dhowaan ka furamay dalka UK.

Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo si hoose ula halday Idaacadda Risaala ayaa sheegay in iyaga iyo Maamulka uu u socdo wada hadalo ku aadan, sidii loo sii deyn lahaa Wariyaha, Tv-gana xayiraada looga qaadi lahaa.

Waxa uu sheegay in ay la hadleen Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan, wada hadaladana ay meel wanaagsan marayaan.

Sidoo kale Xoghaye Ismaaciil Khaliifa ayaa Wariyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka taxadiraan wararka ay baahinayaan, si aysan nafsadooda halis ugelin.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment