4353 Views

DAAWO SAWIRADA:-R/Wasare Xasan Ali Kheyre Oo Maanta Kulan Kulaqaatay Midowga Yurub

DAAWO SAWIRADA:-R/Wasare Xasan Ali Kheyre Oo Maanta Kulan Kulaqaatay  Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  08, 2017 —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday Markab dagaal oo taagnaa Xeebaha Muqdisho, kaasoo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ka qeyb qaadanaya howl galka la dagaalanka burcad badeedka ee loogu magac daray ATLANTA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters loo yaqaano ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay ku dejisay Markab ka babanayay Calanka Spain oo ka mid ahaa maraakiibta dagaal ee Midowga Yurub.

Kulan ka dhacay Markabka dushiisa ayaa waxaa yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Verinique Lorenzo, Taliyaha Howl galka ATALANTA iyo Saraakiil kale

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.

“Waxaan ka wada hadlney weeraradii u dambeeyay iyo sida aan ugu walacsan nahay falalka burcad badeeda, sida ugu wanaagsan oo aan dowladda Soomaaliya ugu caawin karno wax ka qabashada arintaas, anaga muddo dheer ma sii awoodi doono in aan ilaalino xeebaha Soomaaliya, waxaana ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ayadu awoodo in ay ilaashato amnigeed,” ayay tiri  MS. Lorenzo.

MAJ. Janaral Robert Magawan oo ah taliyaha howlgalka ATLANTA ee xeebaha dalka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ka qabteen biyaha Soomaaliya mudadii ay ka howlgalayeen isla markaana ay ka hortageen falal badan oo kooxaha burcad badeeda ah ay ka geysteen biyaha dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in bilihii u dambeeyay weerarada ka dhacay xeebaha dalka ay muujineyso sida burcad badeeda isugu dayayaan in ay mar kale dib u soo laabtaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.

Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah.

 

01 02 03 04 05 06 08

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment