5607 Views

Madxweyne Farmaajo oo Gaaray Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose

Madxweyne Farmaajo oo Gaaray Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  08, 2017 —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku gaaray degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee dhulka ee Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii xilka loo doortay.

Ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo saaka la xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka, waxaana hakad ku yimid gaadiidkii labada dhinac isu kala gooshi jiray.

Madaxweynaha ayaa xiran dareyska Milateriga, waxaa safarkiisa dhulka ku wehliya, Madaxweynaha Koofur Galbeed, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyeyaasha Ciidamada sida Milateriga, Booliska, Nabadsugida iyo Xildhibaano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada kulan la leh qeybaha kala duwan ee bulshada reer Afgooye, waxaa uu kala hadlayaa xaalada ammaan iyo mid nololeed ee ay qabaan.

Safarka Madaxweynaha ee Afgooye ayaa ku soo aadaya, iyadoo tobaneeyo isbaaro la soo dhigtay inta u dhaxeysa Muqdisho illaa Wanlaweyn, waxaana maalmahan jiray cabasho ay ka qabeen gaadiidleyda ku safarta wadadaas.

md-farmaajo-afgooye-3 md-farmaajo-afgooye-1 md-farmaajo-afgooye-2 md-farmaajo-afgooye-4 md-farmaajo-afgooye-5

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment