2601 Views

Farmaajo oo ka qeyb galay shirka horudhac ah ee London

Farmaajo oo ka qeyb galay shirka horudhac ah ee London
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  10, 2017 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta Magaalada London ee dalka Ingiriiska uga qeyb galay shir horudhac u ah midka berri ka furmaya Magaaladaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Abuukaate Mahdi Guuleed, Wakiilka gaarka ah Qarmada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Micheal Keating, Qurbajoogta Soomaaliyeed, Ururada bulshada Rayidka iyo xubno kale.

Shirkan ayaa waxa uu ujeedkiisa ahaa sida ugu Macquulsan ee Qurbajoogta ay uga qeyb qaadan karaan Hormarinta Dhaqaale ee Soomaaliya.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in la dhisi doono Hay’adda Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Farmaajo muhiim in ay tahay in Qurbajoogta Soomaalida ay maalgashi ku sameystaan dalka si dhaqaalaha Soomaaliya uu sare ugu kaco.

Malinta berri ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 11-ka May ayaa waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furmaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment