2775 Views

Gudoomiye cusub oo loo magacaabay Buurhakaba

Gudoomiye cusub oo loo magacaabay Buurhakaba
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  10, 2017 –Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed, Cali Wardheere, ayaa maamul cusub wuxuu u magacaabay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay, ayaa waxaa lagu sheegay in Gudoomiyaha cusub ee Degmada Buurhakaba laga dhigay Maxamed Ibraahin Nuur.

Maxamed Ibraahin Nuur, ayaa noqonaya Gudoomiyihii Shanaad muddo laba sano gudahood ah uu yeesho Degmada Buurhakaba, waxaana Gudoomiyaha cusub uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Gobolka Baay, ayaa amray Saraakiisha ciidamada inay la shaqeeyan Maamulka cusub ee loo soo magacaabay Degmada Buurhakabo.

Degmooyinka Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed, ayaa la filayaa in isbedelo lagu sameeyo, loona magacaabo Gudoomiyeyaal cusub, halka kuwii horena daaqada laga saarayo.

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment