2772 Views

Nabadoon Caan Ah Oo Muqdisho Lagu dilay

Nabadoon Caan Ah Oo Muqdisho Lagu dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  10, 2017 –Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ayaa maanta waxaa lagu dilay Nabadoon C/qaadir Farey oo ka mid ahaa Odayaasha Soomaaliyeed, kaasi oo dilkiisa ay ka dambeeyeen koox hubeysan.

Dableyda hubaysan oo watay Bistoolado, ayaa rasaas ku dhuftay Nabadoonka, xilli uu maraayay Buundada Ansalooti qaybta Degmada Waaberi xigta.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Warbaahinta in Nabadoonka goobta looga qaaday dhaawac ahaan, balse uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Raggii ka dambeeyay dilka Nabadoonka ayaa meesha ka baxsaday, waxaana meesha soo gaaray Ciidamada Booliska oo howlgallo halkaasi ka wada.

Nabadoonka la dilay ayaa ka mid ahaa Ergada Xildhibaanada ku soo dooratay Gobolada dalka Soomaaliya, sida uu Risaala u sheegay Maxamed C/qaadir Xuseen Farey oo ah wiil uu dhalay Marxuumka manta la dilay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment