2637 Views

Wasiirka Socdaalka Britian UK iyo Agaasimaha Guud ee HSJ aya kulan ku qaatay UK

Wasiirka Socdaalka Britian UK iyo Agaasimaha Guud ee HSJ aya kulan ku qaatay UK
____________________________________________________________________________
London, UK | May 11, 2017 – Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo maalmahaan ku sugnaa UK ayaa kulan la qaatey wasiirka Socdaalka dalka UK, waxaana laga wadahadley baasaboorka Soomaaliya iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo dhex mara labada dhinac.
Wasiirka socdaalka UK ayaa sheegey in ay si wadi doonaan isla markaana xoojin doonaan xariirka dhinaca socdaalka ee ka dhaxeeya UK iyo Soomaaliya, iyo weliba hanaanka socda ee aqoonsiga loogu raadinayo baasaboorka Soomaaliya.
Agaasimaha guud iyo wifdiga uu hogaamanayey ayaa booqdey xaruunta laga bixiyo baasaboorka UK iyo weliba xaruunta hubinta dukumentiyada UK.  Sidoo kale agaasimaha ayaa la kulmey khubarada gacanta ku heysa baasaboorka Soomaaliya isaga oo ka qaatey warbixin ku saabsan hanaanka aqoonsiga loogu raadinayo baasaboorka Soomaaliya.
.
.
.
____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment