52395 Views

Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya oo ku dagaalamay gobolka Jubbada Hoose

Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya oo ku dagaalamay gobolka Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  11, 2017 – Wararka naga soo gaarayo gobolka Jubbada hoose, gaar ahaan deegaanka Hoosingow ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya Shabaab iyo ciidanka dowladda Kenya, kadib markii  Alshabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan ciidanka Kenya.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal uu dhexmaray labada dhinac, kaasi oo geystay khasare dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in werarkaasi lagu dilay laba askari oo ka mid ah ciidamada Kenya, gaadiid dagaalna looga gubay.
Ciidanka Ashabaab ayaa inta badan weeraro ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasi oo dhoor jeer ku dagaalamay deegaano ka mid gobolada Jubbooyinka.
.
.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment