4848 Views

Madaxda dalka oo mideysan, soona jiitay quluubta shacabka reer London

Madaxda dalka oo mideysan, soona jiitay quluubta shacabka reer London
____________________________________________________________________________

London, UK | May 11, 2017 – Munaasabad siweyn loo soo agaasimay waxaa ay wadda jir ula hadleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana kulanka qeyb ka ahaa dhamaanba madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ‘Waan wada Farmaajeysanahay” oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay sanadkaan madaxda Soomaalida ayaga oo midaysan oo wax qilaaf ah u dhaxeyn in ay ka qaybgalayaan shirkaan caalamiga ah.

Waxaa uu sheegay in  qorshahoodu yahay iyaga oo mideysan  in ay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ‘Annigu shaqsiyan ma’aaminsani Federaalismka’ ayaa sheegay in wanaaga uu ku haray qurbo joogta, balse iyaga uu ku dambeeyo wali qabiilka, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in laga gudbo kala qaybsanaanta.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan “Midmino iyo walaalnimo Ayaan u soconaa”  ayaa sheegay in Midnimo iyo walaalnimo ku wada socdaan dhammaan Madaxda Soomaaliya ee ka qaybgalaya Shirka London, waxaana uu sheegay in shirkaa uu ku hogaaminayo madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali C/llaahi CosobleWaxaan idiin sheegayaa in aniga iyo saaxibaaday aan u socono in Soomaaliya ay HAL madaxweyne leedahay” ayaa sheegay in ay ku wada socdaan hal hadaf,  islamarkaana dhammaan madaxda Soomaalida ay uga danbeeyaa arimaha shirka madaxweynaha Qaranka.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug  Axmed Ducaale Geelle Xaaf7 maalmood baan madaxweyne ahay, waxaan idiin sheegayaa QABIIL waa dhamaaday ee iska DAAYA” ayaa ugu baaqay qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan waddanka UK ay ka shaqeeyaan Midnimada umadda Soomaaliyeed sidoo kalana ay qabiilka ka dheeraadaan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ‘Maxaad aragtaan? sow midnimo uma jeedaan…?”ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda la garab istaago, isla markaana la iska dhaafo qabiilka iyo qurunkiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku mideysan yihiin sidii dalka loogu soo dabaali lahaa amni iyo nabadgelyo, isla markaana al-Shabaab laga saaro dalka oo dhan.

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment