2589 Views

Madxweynayaasha dowladahad Masar iyo Kenya oo kawada hadlay arima laxiriira Soomaaliya

Madxweynayaasha dowladahad Masar iyo Kenya oo kawada hadlay arima laxiriira Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  11, 2017 – TV-ga Qaranka Masar ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Masar C/fataax Al-Siisii iyo Kenya Uhuru Kenyatta ay Garoonka Diyaaradaha dalka Masar ku yeesheen kulan saacdo gaaban qaatay, kadib marii Diyaaradii siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay ku hakatay Garoonka Qaahira, iyada oo ku sii jeeday dalka UK.

Afhayeenka Madaxtooyada dalka Masar Calaa Yuusuf ayaa sheegay kulanka Madaxweyne Al-siisii iyo Uhuru Kenayatta in ay diirada ku saareen xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya oo ah dal ay wada daneynayaan labada Dowladood.

Calaa Yuusuf ayaa xusay in Madaxweyne Al-siisii uu ka codsaday dhigiisa dalka Kenya in ay iska kaashadaan sidii Dowladda Soomaliya ay u noqon laheyd Dowlad cagaheeda ku taagan.

“Masar waxa ay dooneysaa in ay arakto Soomaaliya oo ah Dowlad xoog badan oo ay u dhisan yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda sida Ciidamada Millitariga, si ay u ciribtirto Shabaab oo Dagaal kula jira Ciidanka Dowladda” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Masar.

Madaxweynayaasha wadamada Kenya iyo Masar ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

Masar ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii saaxiibo badan ay ugu yeelan laheyd Dowlado badan oo ku yaalla Bariga Dhexe, si ay isaga yareyso culeysyada uga imaanaya dhinaca Dowladda Itoobiya.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment