8625 Views

Shirka Arimaha Somalia Ee London oo socda

Shirka Arimaha Somalia Ee London oo socda
____________________________________________________________________________


Magaalada London ee Dalka Britain waxaa hadda ka furmay shirka looga hadlayo arimaha Somaliya,waxaana si wadajir ah shirka u furay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Raisul Wasaaraha Dalka Britain Theresa May.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dhowr Dowladood iyo Hey’ado caalami ah,waxaana sido kale Madasha kusugan Madaxweynayaasha  Maamul Goboleedyada Somaliya

Xubnaha madasha kusugna ayaa waxa ay kahadlayaan xaaladaha Somaliya iyo heerka nololeed ee iminka ka taagaan,mas’uuliyiinta ayaana soo jeedinaya  in lagarab istaago Dowlada Federalka Somaliya.

Qodobada ugu muhiisan ee laga hadlayo ayaa waxaa kamid ah arimaha Amniga ,Dowlad wanaaga iyo Dhaqaalaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment