3648 Views

DAAWO SAWIRADA :-Saraakiil Katirsan Amiso Oo Kulan Laqaatay Duqa Muqdisho

DAAWO SAWIRADA  :-Saraakiil Katirsan Amiso Oo Kulan Laqaatay Duqa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  13, 2017 –Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta kulan wuxuu la qaatay Taliyaha ciidanka Xooga dalka Somaliya Generaal Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Saraakiil ka tirsan ciidamada Amisom iyo Saraakiisha Booliska.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Dowladda hoose ee Degmada Xamar weyne, ayaa looga hadlay sidii dhinacyadan ay uga wada shaqeyn lahaayeen ammaanka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa wuxuu ka dalbaday Taliyaha ciidanka Xooga dalka Somaliya, Saraakiisha Amisom iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Banaadir inay si wadajir ah uga qayb qaataan suggida ammaanka caasimada.

Saraakiishii kulankaasi ka qayb gashay, ayaa dhankooda muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin ka shaqeynta ammaanka caasimadda Muqdisho, Maamulka Gobolka Banaadirna ay ka gacan siinayaan arintaasi.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan wuxuu magacaabay Guddi isku dhaf ah oo ka shaqeynaya ammaanka caasimada Muqdisho oo dilal ay ka dhacaan.

SAWIR Qaade Nuuradiin Maxamad Axmed 

21 3 4 5

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment