3726 Views

Madxweyne Faramaajo Oo Ku Wajahan Dalka Masar

Madxweyne Faramaajo Oo Ku Wajahan Dalka Masar
____________________________________________________________________________

Qaahira | QOL | May  13, 2017 –Ra’islawasaaraha Dalka Masar Shariif Ismaaciil ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Dlaka Masar Cabdi Fataax Al-siisi uu warqad casuumaad ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wakaaladda Wararka Dalka Masar ee MENA,waxaa ay sheegtay in kulanka labada Madaxweyne looga hadli doono xiriirka labada dal,iskaashiga Amniga,arrimaha bani’adamnimada Soomaaliya iyo mashaariic ay dowladda Masar ka fulineyso Soomaaliya.

Warqadda Casuumaadda Siisii,waxaa Madaxweyne Farmaajo ku wareejiyay Ra’isalwasaaraha Masar Shariif  Ismaaciil oo shirkii London ka qeyb gelay.

Ra’isalwasaaraha Masar ayaa shirka ka sheegay in Dowladda masar ay si dhameystiran u taageereyso Soomaaliya,gaar ahaa dib u dhiska dalka,waxbarashada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Shariif waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado badan oo dhaqaalaha iyo maalgashiga ah ,waxaana uu meelaha maalgashiga ku fiican ee Soomaaliya ka tilmaamay Beeraha,Waraabka,Macdan baarista,Shidaalka,Xoolaha,Kalluumeysiga,dhoofka Hilibka Xoolaha iyo Waxbarashada.

Ra’isalwasaare Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Wafddi Ganacsato ah oo Maaasri ah ay dhawaan Muqdisho iman doonaan kuwaas oo baadi goobaha fursadaha la maalgashan karo ee ka jira Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Qaahira:

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment