2505 Views

Madxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soonoqday Muqdisho

Madxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soonoqday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  13, 2017 –Madaxweynaha dowladda Federalka Somaliya Maxamed C/laahi Maxam ed (Farmaajo) ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib safarkiisii Magaalada London ee dalka UK.

Madaxweynaha waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliya iyo Saraakiisha ciidanka, waxaana intaasi kadib loo galbiyay Villa Somaliya.

Farmaajo ayaa ka soo qayb galay shirkii looga hadlaayay arimaha Somaliya ee ka qabsoomay Magaalada London ee dalka Britain, kaasi oo ay marti galisay dowladda UK.

Dowladda Somaliya ayaa shirkaasi ku tilmaamtay inuu ahaa mid guul u ah shacabka Somaliyed iyo dowladda intaba.

Madaxweynaha Somaliya oo laabashadiisa Muqdisho, waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo la hadal haayo safar Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ugu ambabaxaayo dalka dibadiisa.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Koofi gaduud ee ammaanka Madaxtooyadda qaabilsan, ayaa dib u furay wadada ka soo baxda Madaxtooyada ee dakadda horumarta, kadibna aada dhanka Garoonka Aadan Cadde, markii Wafdiga Madaxweynaha si nabad ah halkaasi ay ku mareen.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment