2949 Views

Maxaad Kalasocotaa Waxqabdka dowlada Ee Towaadkii Tagay ?

Maxaad Kalasocotaa Waxqabdka dowlada Ee Towaadkii Tagay  ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  13, 2017 –Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

1. 11kii May 2017 – Shirkii London oo Caalamku isla gartay in la hirgeliyo qorsheyaasha ay Dowlada Federaalku hor-dhigtay shirka, lagana soo saaray Warmurtiyeed. Arrimaha diirada lagu saaray shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Gurmadka Abaaraha, Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha iyo Siyaasada, gaar ahaan sidii lagu hirgelin lahaa doorashooyinka hal cod iyo hal qof 4 sano gudahood.

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa kala saxiixday Heshiis ujeedadiisu tahay in labada dhinacba ay fuliyaan ballanqaadyadii shirka si loo helo isla xisaabtan dhan walba ah.


2. 11ka May 2017 – Golaha Wasiirada oo soo saaray go’aamo lagu dardargelinayo amniga iyo xasilinta dalka iyadoo la abuurayo ciidan isku dhaf ah oo suga amniga caasimada dalka. Golaha ayaa soo dhoweeyey magacaabistii uu Maamulka Gobolka Benadir ee Golaha Amniga Gobolka Benadir, tanoo dardargelinaysa fulinta Qorshaha Amniga Caasimada dalka.


3. Wasaarada Dastuurka oo hirgelisay Ololaha Hannaanka Dib u eegista Dastuurka iyadoo Wadatashiga Dastuurka la yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada si loo dhiirigeliyo shacabka inay door muhiim ah ka qaataan dib u eegista dastuurka si ay u fahmaan oo marka la gaaro waqtiga Aftida ay iyagoo fahamsan qodobada uu ka kooban yahay u codeeyaan. Qeybaha Bulshada ee ilaa iyo hadda lala yeeshay wadatashiga ayaa waxaa ka mid ahaa;
• Haweenka 29kii April 2017
• Bulshada Rayidka ah 04 May 2017
• Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba 08 May 2017
• Dhalinyarada 09 May 2017
• Culumada 11 May 2017


4. Wasaarada Warfaafinta oo hirgelisay Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta 6dii ilaa 8dii May 2017 – Wasiirada Warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa kala saxiixday Is-Faham iyo habmaamuus ay ku wada shaqeynayaan si loo xoojiyo xiriirka wadashaqeynta. Sidoo kale waxey isla garteen in la dhaqangeliyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka, in dib u eegis lagu sameeyo Xeerka Saxaafada, in la dhaqangeliyo Istraatejiyada Qaran Ka-hortaga Falalka Xagjirka ah iyo la xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta, iyadoo la dhiirigelinayo xoriyada hadalka iyo fikirka sida uu qabo qodobka 18aad ee Dastuurka dalka.


5. Wasaarada Boostada & Isgaarsiinta oo hirgelisay Shirka Wadatashiga Horumarinta Isgaarsiinta 6dii – 8dii May 2017 – Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Isgaarsiinta Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa looga hadlay sidii loo wadashaqeyn lahaa isla markaasna loo xoojin lahaa xiriirka. Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray dhammaadkii shirka.


6. Wasaarada Waxbarashada oo hirgelisay Shirka Wadatashiga Mideynta Manhajka & Imtixaanaadka iyo shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka 9 May 2017 – Saddex bilood kaddib waxaa Soomaaliya laga hirgelin doonaa manhaj mideysan oo waxbarashada aasaasiga ah, kaas oo laga dhigi doono dhamaan dugsiyada aasaasiga ah ee hoose, dhexe iyo sare ee dalka. Manhajkan ayaa looga wadahadlay shirweynaha ansixinta qaab-dhismeedka manhajka waxbarashada qaranka Soomaaliyeed oo shalay oo Talaado ahayd ka dhacay Muqdisho.


7. Iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayey Ciidanka XDS ay 10kii May 2017 qaadeen isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray 11kii askartii isbaaradu u taaley.


8. Ciidanka XDS ayaa 5tii May 2017 dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo maleeshiyaad kale oo la socday – Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Badil.


9. 3da May – Dowladda Federaalka oo soo dhoweysey doorashadii Madaxweynaha GalMudug oo baarlamaanka GalMudug u doortay inuu Madaxweyne noqdo Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf);

 

1 2 3 4 5

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment