2559 Views

Wasiirka dhalinyarada Oo La Kulantay Dhalinyarada Qaba Baahiyaha Gaarka ah

Wasiirka dhalinyarada Oo La Kulantay Dhalinyarada Qaba Baahiyaha Gaarka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  13, 2017 –Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha xukuumadda Soomaaliya khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada muqdisho waxa ay kulan kula yeelatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee qaba baahiyaha gaarka ah.

Kulanka ayaa kusaabsanaa in wasiiradu ay ukuur gasho xaalad ay ku sugan yihiin dadka nafaada ah Waxayna sheegtay wasiirka in kulankaan uu dabo joogo kulamo soo socday maalmahaan oo ay laqaadanaysay dhalinyarada Soomaaliyeed .

Waxaa ay xustay  in ay dhalin yarada nafaada ah ay helayaan xuquuq dhameystiran siyaasadana ay kaqayb qaadanayaan .

Wasiir Khadiijo ayaa tilmaamtay  in siyaasada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ku aadan dhalinyarada in ay tahay sidii ay u heli lahaayeen nabad iyo nolol .

Wasaaradda dhalinyaradda dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment