2817 Views

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14,2017 – Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho, shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti go’an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.

“Maanta waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaaradda ay soo diyaariso shirkan, inaga waxaa inaga go’an in Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dhamaada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wadatashiyo badan laga sameeyay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay Wasiiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Wasaaradda.

“Waxaan aan bogaadinayaa Wasiir Cabdi Xoosh, Wasiir Ku-Xigeenka, iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda oo laba-kacleyn ku sameeynaya hawlaha Wasaaradda oo Qarankeenna muhiim u ah, sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay maal-geliyaan Geedi-socodkan si Dastuurka uu u noqdo mid aan anagu leenahay; shirka waa inoo furanyahay waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan go’aamo mira-dhala” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn, shirkan 3da maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay Wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed xoojiya wadashaqeeynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada.

was-dastuurka-1 was-dastuurka-2 was-dastuurka-3 was-dastuurka-4 was-dastuurka-5 was-dastuurka-6 was-dastuurka-7 was-dastuurka-8 was-dastuurka-9 was-dastuurka-10 was-dastuurka-11

.

.

_____________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment