4323 Views

Wasiir Bayle“Abuukar Looxow wuxuu Wasaaradda u hayey shaqo muhiim ah, mana hilmaami doono”

Wasiir Bayle“Abuukar Looxow wuxuu Wasaaradda u hayey shaqo muhiim ah, mana hilmaami doono”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May, 13, 2017….Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy Qoyska, Ehelka, Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Abuukar Cali Abiikar (looxow) .

Wasiirka ayaa sheegay in ay Wasaaradda Maaliyaddu tabi doonto Marxuum Abuukar looxow, oo ahaa Agaasimaha Waaxda cilmi barista iyo dhaqaalaha.

 “Marxuum Abuukar Looxow wuxuu ahaa aqoon yahano mudo badan la soo shaqaynayey dowladihii dalka soo maray 40-kii sano ee ugu danbaysay. Wasaaradda maaliydda wuxuu u qaabilsanaa Agaasinka Cilmi Baarista iyo Dhaqaalaha. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qaraabada, Ehelka, Shaqaalaha Wasaarada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Walaalkeen, waxaan Eebe uga baryayaa marxuumkii inuu janaddiisa ka waraabiyo, shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna ka siiyo samir iyo Iimaan”ayuu yiri Wasiir Bayleh

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Soomaaliyeed isaga oo la soo shaqeeyey wasaarado kala  duwana sanadihii ugu danbeeyeyna wuxuu ahaa khabiir dhanka dhaqalaha ah ee ka howlgala Wasaaadda Maaliyadda.

.

.

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment