3675 Views

Agaasime cusub oo loo magacabay Madxtooyada Soomaaliya

Agaasime cusub oo loo magacabay Madxtooyada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  15, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa magacaabay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada, kaas oo ka mid noqonaya Agaasime ku xigeenada Madaxtooyada.

Agaasime ku xigeenka xilka loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa C/laahi Aadan Kulane, inkastoo aan si rasmi ah u helin qeybta uu qaabilsanaan doono, hadana Madaxtooyada ayaa xilliyadii hore laheyd Labo agaasime ku xigeen.

Magacaabista Agaasime ku xigeenka labaad ee Madaxtooyada, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo beryahan ay jirtay xurguf u dhaxeysay Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle iyo Agaasime ku xigeenka C/risaaq Shoole.

Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la wareegay xafiiska waxaa is bedel lagu sameynayay hanaanka maamul ee Madaxtooyada, iyadoo la wada bedelay dhammaan wixii maamulka Madaxtooyada hayay kana haray Dowladdii hore ee Xasan Sheekh.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment