4602 Views

Daawo Sawirada:- Madxweyne Faramaajo oo ka qaybgalay munasabada 15-ka May

Daawo Sawirada:- Madxweyne Faramaajo oo ka qaybgalay munasabada 15-ka May
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  15, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ubax xusuus ah dhigay Taalada SYL ee ku dhow Madaxtooyada, xilli maanta loo dabaal degayo munaasabadda 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa socod lug ah ka soo bilaabay Madaxtooyada, illaa Taalada, waxaa wehliyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Dhalinyarada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa xirnaa dharka tuutaha Isboortiga ee calanka Soomaaliya, waxaa uu gacan qaaday dhalinyaro taagnaa dhinacyada wadada.

Waxaa goor dhow lagu wadaa in Madaxweynaha uu khudbad ka jeediyo Garoonka Conis Stadium, halkaasoo boqolaal qof ay ku sugan yihiin, ayna ka socoto dabaal dega maalinta 15-ka May.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan u gashay munaasabada 15-ka May oo sanad walba la xuso, waxaa sidoo kale lagu wadaa inay ka dhacdo gobolada dalka qaarkood.

1

2

3

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment