2583 Views

Dowlada Soomaaliya oo kahadashay qarixii Muqdisho ka dhacay

Dowlada Soomaaliya oo kahadashay qarixii Muqdisho ka dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  15, 2017 –  Hay’adaha Amniga ayaa gacanta ku dhigay dadkii watay gaari ku qarxay Muqdisho maanta, iyadoo ay socoto baaris ku aadan dadkaas la qabtay.

Gaari walxa qarxa saaray ayaa hay’adaha amniga oo beryahan ku raadjoogey ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho iyagoo isu diyaarinayey inay shacabka waxyeelo u geystaan.

Hay’adaha amniga ayaa hubisey in gaariga laga shakiyey laga fogeeyo shacabka si uusan waxyeelo u geysan. Hay’adaha Miino-Baarista oo u soo socda goobta ayaa gaarigu qarxay. Mana jiro cid ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa yiri “Madaxda Qaranka iyo Dowladda Federaalku waxey ammaaneen doorka hay’adaha amniga ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed oo aan wax qasaare ah geysan. Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dadkii watay gaarigaas oo u socday inay shacabka dhibaateeyaan. Hay’adaha amniga ayaa gaarigaas ku raadjoogey ka dib markii shacabku ay soo gudbiyeen macluumaad muhiim u ahaa hay’adaha amniga. Macluumaadkaas ay shacabka soo gudbiyeen ayaa suurtogeliyey in dadkaas la qabto, isla markaasna la bad-baadiyey shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga si aan u wada sugano amniga iyo nabada aan u wada baahanahay.

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment