3141 Views

Maamulka G/Banaadir oo sheegay in uu isbadal kusameyndoono maamulada degmooyinka

Maamulka G/Banaadir oo sheegay in uu isbadal kusameyndoono maamulada degmooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  15, 2017 – Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qorsheynaya in uu xil ka qaadis ku sameeyo qaar ka tirsan Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Sida uu qorshaha yahay xilalka Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo muuqan doona Dhalinyaro ku cusub saaxada siyaasadda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Qaranimo Online u xaqiijiyay ilaa 5 Guddoomiye Degmo in xillalka laga qaadi doono, lana keeni doono Guddoomiyeyaal cusub.

Isbedelkan ayaa horudhac u ah isbedel lagu sameyn doono dhammaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhalinyarada ka soo muuqan doonta xilalka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ah Dhalinyaradii ka ka qeyb qaadatay ololihii Doorasho ee Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dad badan oo xil doon ah ayaa hareeyay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana dadka ay CV-gooda u gudbinayaan xogheynta Guddoomiyaha.

,

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment