2388 Views

R.W. ku xigeenka oo ka soo qayb galay kulan lagula dar-daarmayey shaqaale loo badalay furdada iyo Garoonka

R.W. ku xigeenka oo ka soo qayb galay kulan lagula dar-daarmayey shaqaale loo badalay furdada iyo Garoonka
____________________________________________________________________________

Muqdisho. 14, May, 2017 – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahan ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb qaatay kulan lagula dar-daarmayey maamulayaal loo magcaabay dekeda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha ee Aden Cade oo ah Ilaha dakhliga uu ka soo galo dowladda, waxaana kulnka goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, ku simaha Hanti dhowrka guud , Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Shaqalahaan ayaa ahaa kuwo ka howgala waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, waxaana lagu badalay shaqaalihii hore oo ka shaqayn jiray maamulka Dekeda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Aden Cade.

Ugu horeeyntii Wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in dhaqanka shaqada ay ka mid tahay in shaqaalaha laysku badalo si ay u qaataan tababar iyo xirfado siyaado ah.

“Kulankaani waa mid ku salaysan kor u qaadida shaqada. Horumarka shaqada waxaa ka mid ah in shaqaalaha lay isku badalo si ay u noqdaan kuwo qayb kasta ka shaqayn kara oo aqoonteeda leh, qofka marka la leeyahay waa khibrad badan yahay macnuhu waxaa weeyey meelo badan ayuu ka soo shaqeeyey” ayuu yiri Wasiir Xayir

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yiri “Siyaasada dowladda Cusub waxaa udub dhexaad u ah la dagaalanka musuq maasuqa, marka laga hadlayo musuq maasuqna waxaa indhuhu qabanayaan waa wasaaradda maaliyadda, wasaaradduna waa tan ugu muhiimsan dowladda iyo waana ishii dhaqaalaha dalka. Kor u qaadida dakhligu waxay noo leedahay ahmiyad gooni ah si dakhli ka badan kii hore loo ururiyo waxaa lagama maarmaan ah in sbadal lagu sameeyo Hay’adaha ka shaqeeya, maxaa yeelay qofka cusub waxaa ku jira fir fircooni iyo nashaad uu wax badan ku qaban karo”

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhinciisa sheegay in dayaca badan uu ka jiri jiray ilaaha dakhliga loona baahan yahay in deg deg loo saxo, ka xeer ilaaliyo ahaana ay diyaar u yihiin in ay cadaaladda ay horgayn doontaan cidii lagu helo faldanbiyeed iyo ku gabood falid hantida qaranka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha yaa dhankiisa cadeeyey in ka soo qayb galkiisa ay calaamad u tahay muhiimada ay dowladda u leedahay hufnaanta dhanka maamulka, wuxuuna qayb ka yahaya barnaamijka isla xisaabtanka iyo dar dar galinta dakhliga dowlada. “waxaa la idin saaray masuuliyad balaadhan, si loo damaanad qaado askari waardiyaha haya iyo kan difaacyada ku jira, ayaa laydinku magacaabay xilalkaan muhiimka ah si aad kor ugu qaadaan dakhliga iyo siyaasada dowladda lana dagaalantaa musuq maasuqa, wax isdaba marinta, eexda, lunsashada canshuurta iyo inaad ilaalisan shuruucda u dagan wasaaradda.

.wasaarda_maaliyadda_7__1_ Wasaarada_maaliyadda_5 Wasaarada_maaliyadda_4 Wasaarada_Maaliyadda2 Wasaaradda_Maaliyadda_8__1_ Wasaardda_maaliyadda

.

.

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment