2334 Views

R/Wasaare Kheyre oo hanbalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

R/Wasaare Kheyre oo hanbalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  15, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hambalyo u diray dhamaamba dhalinyarada Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, Munaasabadda sanadguurada 74-aad ee aas aaskii ururkii dhalinyarada ee SYL kuwaasoo horseeday gobanimadii dalka.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan horumarka dalka.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in Munaasabadda 15- May ay tahay maalin ku weyn dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii waxaan ku booriyay dhalinta Soomaaliyeed inay la yimaadaan Midmimo iyo Wadajir, taasoo ah wadada kaliya ee dhalinta Soomaaliyeed ku keeni karaan isbadal saxan oo muuqda.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment