6447 Views

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo M/Goboleedyada oo ka socda Muqdisho

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda dhexe iyo M/Goboleedyada oo ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2017 – Waxaa maalintiisii labaad galay shirka u dhaxeeya Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, maanta waxaa shirka ka soo qaybgalay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirada Maamul Goboleeyda, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka oo maanta waqti dheer qaatay ayaa lagu lafaguray su’aallo dhowr ahaa oo quseeyay Qorshaha Guud ee dib u eegista Dastuurka dalka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay diyaarisay.

Ka soo qaybgalayaasha oo loo kala qeybiyay afar koox ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo dhameeystiri lahaa Dastuurka dalka islamarkaana loo xoojin lahaa wadasahqeeynta Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, kadibna waxa ay tallooyinkooda u soo gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee JFS, sidoo kale Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ballanqaaday in Wasaaradda ay tixgelin doonto tallooyinka ay soo jeediyaan ka qaybgalayaasha shirka oo matalaad ballaaran ay ku lahaayeen dhalinyarada iyo haweenka.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa berri soo xirmi doono waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed sal-adag u dhiga wadashaqeeynta Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee JFS iyo Maamul Goboleedyada, sidoo kalena dar-dargeliya Qorshaha Guud ee dib u eegista Dastuurka.

shirka-dastuurka-8 shirka-dastuurka-7 shirka-dastuurka-3 shirka-dastuurka-2 shirka-dastuurka-6 shirka-dastuurka-5 shirka-dastuurka-1 shirka-dastuurka-4

.

.

.

_______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment