2658 Views

Erdogan iyo Trump oo Maanta kulmaya

Erdogan iyo Trump oo Maanta kulmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  16, 2017 –Madaxweyne Trump ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabili doona madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayyib Erdogan, xilli ay jirto xiisad ka dhalatay go’aanka Mareykanka uu ku hubeynayo malayshiyaadka kooxda Kurdiyiinta ee YPG oo dagaal kula jira kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Turkiga ayaa kooxda YPG ee kurdiyiinta u arka farac ka mid ah ururka PKK oo gudaha dalka Turkiga looga arko koox argagixiso ah.

Turkiga wuxuu muhiim u yahay dedaalada uu Mareykanku hoggaaminayo ee ka dhanka ah kooxdo la baxday dowladda Islaamka ee dalka Suuriya.

Basle sidoo kale waxaa muhiim ah maleeshiyaadka kooxda kurdiyiinta ee YPG ee ku sii siqaya magaalada Raqa oo ah magaalo ay ku xoogan badan yihiin dagaalameyaasha kooxda Dowladda Islaamka.

Asbuucii la soo dhaafay ayuu madaxweyne Trump shaaciyay in uu hubeynayo malayshiyaadkani kurdiyiinta, tallaabadaasi oo ka careysiisay Turkiga oo dhankiisa soddonkii sano ee la soo dhaafay waday dagaal ka dhan ah kacdoonka kurdiyiinta.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment