2274 Views

Madaxweyne Soomaliya Oo ku wajahan dalka Sacuudiga

Madaxweyne Soomaliya  Oo ku wajahan dalka Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  16, 2017 –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu ka qeyb galo Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale dowladda Mareykanka oo lagu qabanaayo Dalka Sucuudiga.

Boqorka Sucuudiga ayaa Madaxweyne Farmaajo u soo diray Warqad Casuumaad ah oo  ku aadan in uu shirkaasi ka qeyb galo.

Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay in ay muhiim tahay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya , maadaama Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay taageero.

Wararka ay qorayaan Warbaahinta dalka Sacuudiga waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu arintaasi aqbalay ,islamarkaana dhawaan uu tagi doono Magaalada Riyaad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay Safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Sacuudiga.

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment