2523 Views

Faah Faahino Dheerad ah:- Dagaal ka dhacay Magaalada Beledweyne

Faah Faahino Dheerad ah:- Dagaal  ka dhacay Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  17, 2017 – Sida ay Q.O.L  usheegeen maamulka gobolka Hiiraan dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyo beeleed ayaa manta ka dhacay Xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baledweyne .

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan , islamarkaana hubka noociyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku dayeen in ay halkaasi ka dhisaan Saldhig,islamarkaana Maleeshiyaadka ay ka horyimaadeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah Koox lagu magacaabo Westland oo dhibaato ku heysa Shacabka kunool Magaalada Baledweyne.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Cusmaan Xuseen Cali ayaaQ.o.l u sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in howlgalku uu soo dhaamaday haddana ay xaaladu degan tahay.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment