2562 Views

Kulan looga hadlayay sharciga saxaafadda Soomaaliyeed

Kulan looga hadlayay sharciga saxaafadda Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  17, 2017 – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maanta waxaa lagu qabtay kulanka wadatashiga sharciga saxaafadda Soomaaliyeed, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA), FOJO iyo IMS.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Ururka SOMA, FOJO, IMS, Agaasimeyeyaal Warbaahineed, Wariyeyaal, Qoraayaal, Rugcadaayaal saxaafadeed iyo xubno kale.

Kulanka oo waqti dheer qaatay ayaa waxaa looga wadatashanayay sharciga saxaafadda Soomaaliyeed, kaasi oo ka kooban 42 Qodob.

Xubnihii ka qeyb galay kulanka ayaa mudo saacado ah dood wadaag ka sameeyay sharciga saxaafada iyo sidii wax ka bedel looga sameyn lahaa qodobada qaar ee ku jira sharciga saxaafadda, kuwaasi oo loo arko in ay caqabad ku yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta.

Gaba gabadii kulanka ayaa xubnihii ka qeyb galay kulanka waxa ay isku raaceen in wax ka bedel  lagu sameeyo qodobada qaar ee u jira sharciga saxaafadda Soomaaliyeed, kadibna la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si loo ansixiyo.

00000 0000 000

.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment