2787 Views

Madxeynaha Puntland oo digniin adag u dirtay Xildhibaanadii ku shiray Kenya

Madxeynaha  Puntland oo digniin adag u dirtay Xildhibaanadii ku shiray Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  17, 2017 – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Mucaarad lagu noqdo Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in Dowladda ay shaqeyneyso oo keliya 3 bil isla markaana aysan suurta gal ahayn in la Mucaarado. Waxa uu xusay In ay muhiim tahay in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya, loona baahan yahay in la garab istaago oo aan Mucaarad lagu noqon sida uu sheegay.

C/weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegay in ay mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada Dalka isla markaana ay si wadajir ah ugu hortagayaan cid walbo oo Mucaarad ah.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Norway. Maalmo ka hor ayay ahayd Markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqeen Madal ay ku mideysan yihiin.

Sidoo kale Waxaa jira Siyaasiyiin gudaha Dalka iyo dibadiisa kulamo kala duwan ku yeelanaya, kuwaasi oo into badan loogu hadlayo Siyaasada Dowladda iyo qaabka loo qeybinayo Xilalka Dowladda.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment