6714 Views

Safiirka Soomaaliya ee USA Danjire Cawad oo shir taariikhi ah qabtay + SAWIRRO

Safiirka Soomaaliya ee USA Danjire Cawad oo shir taariikhi ah qabtay + SAWIRRO
____________________________________________________________________________

Washington | QOL | May 17, 2017 – Waxaa magaaladda Washington ee caasimadda Dalka Mareykanka lagu qabtay shir aad iyo aad u qiimo badan oo ay qabanqaabisay Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka taa oo ay ka soo qeyb galeen dadka lagu qiyaasay ku dhawaad 250 oo ka kala socday in kabadn 12 Jaaliyadood oo ka dhisan dalka Mareykanka,waxa kaloo shirkaas qiimaha leh Ummadda Soomaaliyeed kala qeyb galay xubno ka socday Machadka Nabadda, USAID, saraakiil sar sare oo ka soo shaqeeyey safaaradaha Soomaaliyeed kana mid ahaa madaxda sare ee soo martay Qaranka Soomaaliyeed, Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka,aqoonyahano wax ka dhiga Jaamacadaha Mareykanka, dhalinyaro dhawaan ka qalin jabiyey Jaamacadaha Mareykanka oo runtii ay kuu beerantahay qiiro Soomaalinimo,

Waxaana shirkaasi diiradda lagu saaraayey abaaraha halakeeyey ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga soo dhalaali lahaa doorka qurba joogta ee kaga aadan samatabixinta Uammadda Soomaaliyeed ee dhibaatada abaaraha la daala dhacaaya xiligaan. Danjire Cawad oo ah Safiirka Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa halkaa waxa uu ka jeediyey khudbad taarikhi ah oo taabaneysay meelo badan,waxa ugu horeyn ka hadlay abaarta Ummadda Soomaaliyeed ku habsatay waxaana uu iIlaah ka baryey in uu naga qaadayo dhibatadda ka timid abaartaas,

Isago sidoo kale Mudane Cawad uu ka dhawaajiyey in Soomalia aysan maanta cidna u maqneyn ceelna u qodneyn taa oo uu uga dan lahaa in badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed ay u taalo Soomaalidda oo ay ugu horeeyaan qurba joogta,isagoo uga mahadceliyey dhamaan qurba joogta doorkii shariifka ahaa oo ay ka qaateen illa iyo waqtigaan hadda ah,waxa uu hadalkiisa raaciyey isagoo qiireysan “waxa aad qabateen waa arrin idin galeysa diwaanka isla markaana aan waligeed ka tirmi doonin xusuusta inta Soomalinimadda ay ku dheertahay”

Mudane Cawad waxa uu marti sharafkii ka codsaday in la laban laabo wax u qabashadda ummadda tabaaleysan oo ay abaarta ku habsatay arrinta waxaan ku heleynaan Ajir xagga alle iyo qiimo dhanka Ummadda Soomaaliyeed ah,ugu dambeyntii Danjire Cawad waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhaliyaradda ku nool Mareykanka juhdigii ay galiyeen iyo lacagihii ay uruuriyeen una direen Guddiga Abaaraha heer Qaran taa oo runtii susus nagu reebtay,waxaana uu halkaa Danjire Cawad ku muteystay sacab iyo ka soo qeyb galayaashii oo khudbadda Mr. Cawad qiiro gelisay.. Wafuuda ka qeyb gashay shirka qiimaha leh waxa ka mid ahaa wafdi ka baxay magaaladda Atlanta oo uu hogaaminaayey Gudoomiha Jaaliyadda Somali_American Inj. Cumar Shiikehy, Mudane Cabdi Isaq oo ka socday Odayaasha Magaaladda Atlanta, Maxamed Suufi oo ka socday Ganacsatada Magaaladda Atlanta, Maxamed Shikh oo ka tirsan Guddiga Jaaliyadda ee Atlanta, Dr. Cali Cusmaan Cali oo oo ah Gudioomiyaha Isboortiga ee Atlanta, Mina Gallant oo xubin ka ah guddiga Jaaliyadda ee Atlanta, waxayna guddigaas oo matalaayey Georgia kala soo noqdeen qibrad aad iyo aad u weyn, waxayna u mahadceliyeen Danjire Cawad sidii qiimaha laheyd oo uu u soo dhaweeyey, waxayna guddiga ballanqaadeen in ay warbixintaasi la wadaagi doonaan jaaliyadda reer Georgia, iyadoo shirkaas qiimaha leh uu ku soo dhamaaday si heer sare ah.

danjire-cawad-washington-9 danjire-cawad-washington-8 danjire-cawad-washington-7 danjire-cawad-washington-6 danjire-cawad-washington-5 danjire-cawad-washington-4 danjire-cawad-washington-3 danjire-cawad-washington-2 danjire-cawad-washington-1

.

.

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment