4845 Views

Dowladda Soomaaliya oo Kenya u gudbisay dacwad ka dhan ah Xildhibaanada ku sugan Nairobi

Dowladda Soomaaliya oo Kenya u gudbisay dacwad ka dhan ah Xildhibaanada ku sugan Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  18, 2017 –Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya inay il gaar ah ku eegto dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka wadaan magaalada Nairobi, halkaasoo maalmo ka hor lagaga dhawaaqay Madasha Horusocod.

Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay Jowhar.com in dowladda Federaalka ay dacwad ka dhan ah Xildhibaanada u gudbisay Kenya, kuna wargelisay in dhaq dhaqaaqyada ka socda Nairobi inay dhaawacayaan dowladnimada ka curatay Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uul sare oo ka socda dowladda Soomaaliya uu arrintan kala hadlay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, isagoo balan qaaday in wixii hada ka dambeeya aanay dhici doonin.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya aanay marnaba ogolaan doonin shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana wixii hada ka dambeeya fiiro gaar ah u yeelaneyso.

Mr Ducaale ayaa laga soo xigtay in Kenya ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya xasilooni siyaasadeed uga hirgeli laheyd, isagoo xusay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka aan la ogolaan doonin in shirar siyaasadeed oo aanay Kenya ka war qabin ku qabtaan Kenya.

Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Gole ayaa fasax u jooga magaalada Nairobi, waxaana laga war qabaa in Xildhibaanada ugu badan ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay heystaan Baasaboor Kenyan ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka wal walsan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Nairobi, iyadoo la xusuusto in shirar ka dhan ahaa dowladihii hore halkaas lagu qabtay, oo qaarkood lagu dumiyay xukuumado jiray.

Magaalada Nairobi ayaa lagu tilmaamaa meesha laga socodsiiyo siyaasada, waxaana fadhi ay u tahay siyaasiyiinta Soomaalida, iyadoo la xusuusto in Madaxweyne Farmaajo inuu muddo saldhig u aheyd xilligii ay socdeen ololaha doorashada Soomaaliya.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment