3420 Views

Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Oo Lagu dilay Muqdisho

Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Oo Lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  20, 2017 –Askari ka tirsan Ciidamada Minaashiibiyada loo yaqaano ayaa Askari kale waxa uu ku dilay qeybo kamid ah degmada dharkeenleey ee Gobolakan Banaadir kadib markii ay wada murmeen taas oo keentay in ay dagaalamaan.

Dilka kadib Askari ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya kuwaas oo dhaawacay islamarkaana Gacanta ku dhigay Askarigii Askariga kale ku dilay degmada Dharkeenleey.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Q.O.L ayaa sheegay in dagaalkoodii ka hor uu xooggaa muran yar dhex maray taas oo keentay in mid kamid ah labada Askari la dilo, waxana rasaastii ku dhaawacmay qof kale oo goobta marayay.

Iskudhacyada ciidamada ka wada tirsan dowladda federaalka Somaaliya ayaa Maalmihii la soo dhaafay ku soo batay gudaha Magaalada muqdisho,iydoo dowladda Somaaliya in ku dhow 2000,oo Askari ay ka qaaday gudaha Magaalada Muqdisho.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment