3780 Views

Beletweyne oo loo fadhiistay imtixaanadii shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe

Beletweyne oo loo fadhiistay imtixaanadii shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe
____________________________________________________________________________

Beletweyne | QOL | May, 20, 2017 – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada ayaa si rasmi ah magaalada Beledweyne uga daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee heer Qaran oo ay u fariisanayaan guud ahaanba dalka Soomaaliya 23kun oo ardeyda dugsiyada sare ah.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada waxbarashada dowladda federaalka Feysal Cumar Guulleed ayaa maanta kormeeray goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, isaga oo sheegay in ka qeybgalka Imtixaanka muhiim u yahay ardeyda dhameysatay dugsiyada sare.

‘’Maanta farxad weyn ayeey ii tahay in aan magaalada Beledweyne goob joog u noqdo munaasabadan lagu daah furayo Imtixaanka Shahaadiga ee heer Qaran oo dhamaanba gobollada dalka oo dhan u fadhiyaan ardeyda dhameysatay dugsiyada sare’’ ayuu yiri wasiir ku-xigeenka waxbarashada Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte iyo wasiir ku-xigeenka wasaarrada waxbarashada maamulka HIrshabeelle Axmed Cabdi Cali ayaa sidoo kale goobjoog u ahaa munaasabada daah furka Imtixaanka ee heer Qaran ee dugsiyada sare.

Waa sanadkii labaad oo dowladda federaalka Soomaaliya ay qabto Imtixaankan oo kale ah, hasse ahaatee marka dhinac laga eego wali waxaa jira caqabado ardeyda ka heysta dhinaca amniga, waxaana qaarkood ay warbaahinta u sheegeen in ay la kulmaan hajabado uga yimaada dhinaca Al-shabaab, waloow taa aysan ka hor istaagin ka qeybgalka Imtixaanka.

imtixaanada-baladweyne-1 imtixaanada-baladweyne-2 imtixaanada-baladweyne-3 imtixaanada-baladweyne-4

.

.

.

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment