2655 Views

Hir-Shabeelle “Xalkasto Waa Loo Raadinayaa Dagaalka Baladweyne”

Hir-Shabeelle “Xalkasto Waa Loo Raadinayaa Dagaalka Baladweyne”
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | May  20, 2017 –—Maamulka Hir-shabeelle ayaa weli Wada qorsho uu ku joojinaayo dagaal beeleedyadii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Galbeedka magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,dagaalkaas oo geestay khasaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wasiirka Ku xigeenka arimaha dastuurka iyo dib uheshiisiinta maamulkaa Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Sheegay in inta badan kulamo gooni gooni ah ay la qaateen Guddi loo xilsaaray xalinta dagaal beeleedyadaas lagu guuleestay in xabada la joojiyo islamarkaana ciidamadii dagaalamay lakala qaado haatana uusan Galbeedka Baladweyne ka socon wax dagaal ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa intaas raaciyay in sababta dagaal beeleedyada ay ugu soo laab laabtaan baladweyne ay tahay isqabqabsi dhinaca dhul daaqsinka ah taas oo keenta in ay galaan dagaal khasaaro geesta.

ugu dambeen Wasiirka ayaa ugu baaqay in Beelaha dagaalka uu dhex maray ay miiska wadahadalka waxkasta ku dhameeyaan islamarkaana Maamulka Hir-Shabeelle uu garab ku siin doono.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment