4266 Views

Jubaland oo looga fariistay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiga sare

Jubaland oo looga fariistay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiga sare
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | May, 20, 2017  – Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Max’uud Sayid Aadan ayaa maanta magalaada Kismaayo ka daahfuray imtixaanaadka ugu danbeeya ee shahaadiga ah ee fasalka 12-aad, ayadoo imtixnaadku ay maannta si rasmi ah uga biloowdeen inta badan gobollada dalka.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta u fariistay imtixaanaadka arday gaareeysa ilaa 300 kuwaa oo ka kala yimid dugsiyada waxbarasho ee ku yaal magaalada.

Sidoo kale degmooyinka  kale ee Jubaland ee ay ka arimiso dowlad goboleedka Jubaland ay maanta ardaydu u fariisteen imtixaanaadka.

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii furitaanka Imtixaanka ayaa ku booriyay ardayda in ay dadaalaan oo ay waxbarashadooda sii wataan, isagoo sheegay in dhalinyaradu yihin rajada dalka, loona baahanyahay in ay masuuliyad iska saaraan dalkooda.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daahfuray Imtixaanaadka dalka, ayadoo raysul wasaaruhu sheegay in sanadkan ay imtixaanaadka shahaadiga ah ay u fariisanayaan arday ka badan 27,000.

 

imtixaanada-jubbaland-1 imtixaanada-jubbaland-2 imtixaanada-jubbaland-3 imtixaanada-jubbaland-4

.

.

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment