13215 Views

Magaalada Kismaayo oo noqotay Magaalada ugu Amaanka Fiican Somaaliya.

Magaalada Kismaayo oo noqotay Magaalada ugu Amaanka Fiican Somaaliya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2017 – Sida caadada ah, marka larabo in Wadan ama magaalo laqiimeeyo Nolosha Shacabka, waxaa la fiiriyaa dhowr shay oo kala ah.

  • Amaanka.
  • Nolosha Maciishada.
  • Guryaha
  • Caafimaadka
  • Waxbarashada
  • Gaadiidka Laraaco
  • Nadaafada
  • Bilicda Dhismaha/Wadooyinka

Hadaba,  Website-ka Qaranimo online, ayaa qiimayn ku samayey Xaaladaha  nolosha Shacabka ku nool Magaalooyinka ugu waawayn Somaaliya, waxaan daraasaat ama qiimayn  (survey) ku samaynay , sifooyinka kor ku qoran, anagoo waraysanay  dad u dhashay, kuna nool magaalooyinka ugu waa wayn dalka, dadka aan waraysanay, ayaan way diinay su’aalo ku saabsan noloshooda, gaar ahaan Amaanka, waayo Amaanka waa Qodobka 1aad ee ugu horeeyo nolosha Bini’aadamka, hadii uu san amaan jirin nololi majirto, dhaqaale  kasta ama Hanti kasta  lahow.

Sida la wada ogyahay, Somaaliya waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamada ugu Amaanka Xun Caalamka, laakiin waxaa jira wax yaabo badan oo aan RUNTA laga sheegin, taasina waxaa sabab u ah Saxaafada Somaaliyeed oo aan Gudan waa jibaadka ka saaran dalkooda, Saxaafada waa isha kaliya ee ka Runsheegi karto Xaalada Shacabka Somaaliyeed iyo Dalka, mana aha in mar walba laga hadlo wax Qabadka dowlada ama Arimaha Siyaasada.

Waxaa loo bahan yahay in dhinac kasta laga fiiriyo nolosha Shacabka, Gaar ahaan Amaanka, waayo Dal ama Magaalo hadii uu san ka jirin Amaan, nolosha dadka kunool malaha wax Qiima ah.

Sida aan ku Xusay Qoraalkan qaybtiisa kore, waxaan  ku dadaalnay sidii aan ku heli lahayn Xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugayihiin Shacabka ku nool Magaalooyinka ugu waawayn Somaaliya, waxaan waraysanay shacabka kunool magaalooyin kala duwan, waxaan waydiinay dhinaca Amaanka, gaar ahaan sifooyinkan.

  1. Qofka shacabka ilaa meeqa saac ayuu socon karaa Gudaha magaalada uu ku nool yahay haeenki?.
  2. Hadii aad la ku lanto Ciidamada Amaanka habeenkii, qaab noocee ah ayey kuula dhaqmaan, si Ixtiraam leh, mise si  Ixtiraaam daro ah.
  3. Inta badan Ciidamada Amaanka ma waxay ku hubaysanyihiin TIKNIKOOYIN, mise waa Ciidan wata Hubka fudud.
  4. Ciidamada Amaanka mayihiin dad ay ka muuqato ALUUB iyo ANSHAX wanaagsan, si loo tuso Shacabka Xasilooni iyo Degenaasho.

Ugu dambayn, dhamaan waraysiyadii aan la samaynay Shacabka kunool Magaalooyinka ugu waawayn Somaaliya, waxaa Galay kaalinta KOOWAAD Magaalada KISMAAYO, waxayna ku gashay Sifooyinkan.

  • Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Amaanka, oo ay  ka dhexeyso wada shaqayn ixtiraam leh.
  • Ciidamada Amaanka Kismayo, waa Ciidan ay ka muuqato Asluub, si degenaan ah ula dhaqmo Shacabka, iyagoo  aan Cabsi iyo wel wel gelin Shacabka.
  • Inta badan Gudaha magaalada laguma Arko Gawaarida TIKNIKADA ah ee inta badan Cabsi Gelisa Shacabka.
  • Inta badan waxaa si Taxadir leh u shaqeeya Ciidamada Dhar CADA ee Nabadsugida, waxayna si Xushmad leh ula dhaqmaan Shacabka.
  • Baraha Koontaroolada soo gala Magaalada Kismaayo oo aad loo ilaaliyo, si taxadir lehna loo baaro Gaadiidka soo gala Magaalada.
  • Gaadiidka leh Muraayada BENSALKA ah oo laga mamnuucay magaalada.
  • Gaadiidka Dowlada iyo Gaadiidka Shacabka oo Diiwaan Gashan, lehna Sumado Aqoonsi ah.
  • Shacabka reer Kismaayo oo go’aansaday in ay Sugaan Amaankooda, iyagoo kaashanaya Ciidamada Amaanka.

Horaa loo yiri “Deriskaa ku dayo ama Ka darnow”, Shacabka Somaaliyeed ee ku nool Magaalooyinka kale,  waxaa lagula dardaarmayaa in ay ku day’daan walaala hooda Reer Kismaayo, si ay u helaan Amaan la isku halayn karo.

Shacabka iyo Dowlada reer Kismaayo, waxaan lee yahay ka sii kordhiya  Dadaalkiina Heerka uu joogo, si loo gaaro Nolol iyo Horumar lagu faani karo, waayo nabad la’aan waa Nolol la’aan.

Midna aan Ogaano,  in ay jiraan dowlado naga Amaan Xun Caalamka, mana la sheego Dhibaatadooda, laakiin Somaaliya malaha  Dowlad, Saxaafad iyo Aqoon yahan CADEEYA, Somaaliya ilaa xad in ay tahay Nabad, marka loo fiiriyo dalalka qaar ee lagu Tilmaamo in ay Nabad yihiin.

Waxaan si gaar ah ula dardaarmayaa Saxaafada Somaaliyeed in ay Gutaan waajibaadka ka Saraan Dadkooda iyo Dalkooda, iyagoo ka run sheegaya Xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka.

Horaa looyiri “Afaan af kaa celin, Ala gooyaa la yiraa”, yaan la Rumayn Dacaayadaha Raqiiska ah ee ay Faafinayaan Saxaafadaha  Calaamka, Gaar ahaan VOA iyo BBC-da oo ku shaqeeya Amarada dalalka laga lee yahay, iyagoo inta badan buun buuniya markii ay dhacaan Qaraxyada iyo Dagaalada Qabaa’ilka, waxayna inta badan yiraahdaan Somaaliya ma aha meel nabad ah.

.

.

W/Q Cumar Farax | Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment