6189 Views

Puntland oo loo fadhiistay imtixaanadii shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe

Puntland oo loo fadhiistay imtixaanadii shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe
____________________________________________________________________________

Boosaaso | QOL | May, 20, 2017 – Wasiir ku xigeenka wasaarad-da waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa maanta magaalada Bosaaso ku daah-furay imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka afaraad ee dugsiga sare iyo galaaska sideedaad ee dugsiga dhexe.

Tirada guud ee gobolada Puntland imtixaanka u fariisatay ayaa dhan 12,687 oo isugu jira wiilal iyo gabdho ,waxaana imtixaanka maanta la daah-furay kaliya galaya ardayda waxka barata dugsiyada gobolka Bari.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada oo ka hadlayay munaasabad maanta lagu qabtay iskuulka Raasa-casayr ee Bosaso ayaa sheegay in tirada guud ee ardayda gobolka Bari ee maanta imtixaanka u fariistay ay gaarayaan 3,834 arday , isla markaana ay   isugu jiraan dugsi sare iyo dugsi dhexe.

Imtixaankan ayaa si guud uga furmay 86 xarumood oo ku kala yaala Puntland ,waxaana wasiirka oo la hadlay ardayda uu ka codsaday in ay kalsooni muujiyaan inta ay imtixaanaadka shahaadiga ah ku jiraan.

“Waxaa imtixaanka ardayda laga qaadaa labada marxaladood ee kala guurka ah ,marka uu ka gudbayo marxalad-da dhexe ee uu 8 sano wax soo bartay ,si loo qiimeeyo ardayga u gudbaya marxalad-da dugsiga sare ,sidoo waxa imtixaanka u fariista ardayga dhameeyay dugsiga sare ee u gudbiya marxalad-da jaamacad-da  ” ayuu yiri wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay munaasabad-dii furitaanka imtixaanaadkan.

Ugu danbayn, duqa degmada Bosaso Yaasiin Mire oo isna ka hadlay munaasabad-da ayaa ardayda kula dar-daarmay in ay ka qayb-qaataan howlaha lagu hormarinayo degmada Bosaso oo hadda gashay xiligii xagaaga ama kulaylaha.

puntland-imtixaano-1 puntland-imtixaano-2 puntland-imtixaano-3 puntland-imtixaano-4 puntland-imtixaano-5 puntland-imtixaano-6

.

.

.

___________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment